DHAGEYSO:Garissa oo lagu daahfuray barnaamij qaran oo shaqo abuur ah

Ismaamulka Garissa ayaa waxaa xariga looga jaray barnaamij la doonayo in shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyarada deegaannada kala duwan ee dalka oo loogu magacdaray KAZI MTAANI.
Xoghayaha dowladda ismaamulka Garissa Cabdi Muxumad Cali iyo isku duwaha ammaanka ee ee gobolka waqooyi bari Mr Nicodemus Ndalana ayaa barnaamijkan si wadajir ah u daahfuray.
Waxaa xariga looga jaray fagaarada dugsiga hoose dhexe ee Garissa Primary.
Xoghayaha ayaa dhalinyarada ugu baaqay inay barnaamijkan ka faaiidaystaan oo ayna cirib tiraan geedka nooca loo yaqaano Mathenge ama caligaroobka oo saameyn ku leh deegaanka.
Waxaa uu xoghayaha ismaamulka Garissa faahfaahin ka bixiyay tirada dhlinyarada Garissa ee shaqa abuurka loogu sameynaya iyo qaabka loo fulinayo barnaamijkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here