DHAGEYSO:Garsooreyaal eedaymo u Jeediyay gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya

Kadib markii 21 ka mid ah garsooreyaashii ka howlgalayay Maxkamada gobolka Banaadir iyo Maxkamadaha kale ee degmooyinka Caasimada shaqooyinkoodii laga Joojiyay ayaa waxay Muujiyeen cabasho waxayna eedaymo u jeediyeen gudoomiyaha Maxkamada sare ee Soomaaliya.
Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Soomaaliya ayay ku eedeeyeen inuu shaqaalaysiiyay shaqsiyaad ay isku hayb yihiin sida ay hadalkooda u dhigeen waxayna madaxweynaha Soomaaliya ka codsadeen inuu ka laabto saxiixii shaqada looga joojiyay hadii kale ay cadaalada la aadi doonaan.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Soomaaliya wali wax war ah kama soo saarin eedaymaha loo soo jeediyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here