DHAGEYSO:Geedo abuur laga sameeyay deegaanka Ceeldaas ee Wajeer

Deegaan baarlamaaneedka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer ayaa geedo abuur laga billaabay iyadoo dhanka kale madaxda halkaasi ay shacabka u ballanqaadeen inay wax ka qabanayaan waddooyinka iyo arrimaha biyaha.
Cabdiraxmaan Mucaawiye ayaa qodobkan dhameystiraya

Dhanka kale Mudanaha laga soo doortay deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan Weheliye ayaa gaashaanka u daruuray natiijadii 4-tii bishan laga soo saaray tirakoobkii dalka ka dhacay.
Tirakoobka qaran ee sannadkan ayaa guud ahaan wadanka laga sameeyay bishii sideedaad.
Xildhibaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in tirada dadweynaha ee la sheegay inay ku nool yihiin deegaannada gobolka waqooyi bari aynan sax ahayn.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inay maxkamadda tagayaan si ay u gudbiyaan dacwad arrinkan ka dhan ah.
Aadan Keynaan ayaa xusay inaynan jirin qowmiyad ku nool wadanka oo la marti qaaday sidaasi awgeedna dastuurka dalka u degsan uu dhigayo in xuquuq siman la leeyahay.
Sido kale xildhibaanka Ceeldaas oo arrimahan ka hadlay xilli uu ku sugnaa deegaanka laga soo doortay ayaa carrabka ku adkeeyay in mas’uulyiinta gobolka marnaba aynan diyaar u ahayn in hal deegaan baarlamaaneed xita meesha laga saaro balse taasi baddelkeeda ay u ololeynayaan in deegaannada la kordhiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here