DHAGEYSO:Geeleeyda deegaanka Lagdera oo ka cabanaya cudur saameyn ku yeeshay

Waxay cabasho ka soo yeereysaa qaar ka mid ah dadka geela dhaqdo ee ku nool deegaanka Lagdera ee ismaamulka Garissa oo sheegaya inuu geela uga dhacay cudur neefaf dhowr ah ka laayay.
Ismaaciil Sheekh Cabdi oo ku sugan Guruufa oo ay toddobo neef ka dhinteen ayaa khadka taleefoonka ugu warramay Mowlid Maxamad Shuuriye

Dhanka kale Dubat Cali Camey oo ah guddoomiyaha golaha suuqgeynta xoolaha nool ee dalka ayaa sheegay in cabashadda geeleyda uu u gudbiyay dowlad deegaanka Garissa iyo sido kale dowladda dhexe wuxuuna baaq gaar ah u diray barasaabyada ismaamullada gobolka waqooyi bari

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here