DHAGEYSO:Gen muungaab oo sheegay in wadooyinka Xiran ay Shacabka reer Muqdisho dhibaato ku qabaan.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahnaaha duqii Magaalada Muqdisho Maxamed Xuseen Muungaab oo xalay ka hadlayay xaflad uu xilkiisa kula wareegayay gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho ay dhibaato badan ku hayaan qaybaha kala duwan ee shacabka ku nool caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Waxa uu sidoo kale sheegay in wadooyinka Magaalada Muqdisho hada lagu xiro Ganjeelo sida uu hadalkiisa u dhigay islamarkaana ay dhaaftay in dhanxaan lagu xiro,wuxuuna ugu baaqay inuu wax badan ka qabto gudoomiyaha cusubee gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here