DHAGEYSO:Go’aamo laga soo saaray maleeshiyaad ku dagaalamay Walanweyn

Guddigii Dowladda Soomaaliya u dirtay Mashaqadii ka dhacday degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa soo saaray Go’aamo Sharciga lagu hor geynayo Sarkiil ciidamada ka tirsan, Xildhibaanno Maamul goboleed, maamulkii Degmada iyo xubno kale oo ku eedaysan dagaal oogenimo.
Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya ayaa dacwad kusoo oogtay Saraakiishaan Ciidan iyo Xildhibaano oo kala tirsan maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo lagu eedeeyay inay ka qeyb qaateen hurinta dagaalkii ka dhacay degmada Wanlaweyn.
Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax kala dire oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabeelle iyo Xildhibaan Mayow Mustaf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa loo heystaa inay ka qeyb ahaayeen dagaalladii ka dhacay degmada Wanlaweyn.
Maxkamadda Ciidamada ayaa amartay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo Xildhibaanada lagu eedeyay hurinta Colaad beeleedyada.
Xeerilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle laga dalbanaayo in Xildhibaanadaasi Maxkamad la geeyo iyo xarumaha baarista si loo xaqiijiyo dacwada ay wajahayaan.
Waxaa sidoo kale ka mid ah dadka loo heysto dagaalkii Walaweyn Salaad Tifow oo ah abaanduulaha qeybta 7-aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo isna laga doonayo inuu maxkamada hor yimaado.

Guddiga heer qaran ee maalmahaan ku mashquulsanaa, daminta Colaad degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegay inay heshiis nabadeed kala dhex-dhigeen dhinacyadi dirirta u dhaxeysay.
Guddigaan oo isugu jiray, guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee Ciidanka Qalabka sida, Xafiiska Xeer İlaalinta Ciidanka Qalabka sida, xubno ka socday Hey’adda Danbi Baarista Soomaalia, wasiirro ka socday maamul goboleedka Koofur Galbeed iyo guddoonka Sare ee maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay inay ku guuleysteen nabada iyo dib u soo celinta xasilloonida magaalada Wanlaweyn, kaddib tallaabooyin muhiim ah oo ay qaadeen tan iyo todobadi bishaan April, markaas oo ay bilaabeen howlaha nabadeynta degmadaas.
Waxay sheegeen in tallaabadi ugu horreysay ee ay qaadeen ay aheyd, dhageysiga dacwadaha labada dhinac ee dirirtu dhaxematay, kaddibna la kala dhax-dhigay xabbad joojin ay marqaati ka aheyd Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya.
Bayaanka ka soo baxay gudiga ayaa lagu sheegay in guddiga ay xaqiijiyeen, dhimashada 24 qof oo lagu dilay dagaalka sokeeye ee ka dhacay degmada Wanlaweyn. 9 ka mid ah ayaa ku dhintay dagaal toos ah, halka 15 kale ay gudigu sheegeen inay labada dhinac isaga dileen qaab aar-goosi ah,Guddiga ayaa xaqiijiyay in dadkaas loo dilay si arxan-darro ah.
Waxay kaloo sheegeen in xadgudubyo ka dhan ah aadanaha ay ka dhaceen gudaha degmada Wanlaweyn, kuwaasoo ay ka mid yihiin kufsi, dhac hanti, iyo barakicin,Sidoo kale jidgooyooyin sharci darro ah ayay maleeshiyaadka dagaalamay dhigteen gudaha magaalada sida ay gudiga xaqiijiyeen Balse uu guddiga ku guuleystay inuu qaado.
Warbixinta kasoo baxday guddigan ayaa eedeysay in dagaalka sokeeyey ee Wanlaweyn ay hurinayeen, Masuuliyiin iyo Saraakiil ciidan kuwaasoo hada galdacwadeed looga furay Xarumaha Danbi baarista ee Magalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.
Guddigan ayaa ugu danbeyntii sheegay in lasoo kaxeeyay guddoomiyihii degmada Wanlaweyn, Max’ed Siidow C/raxmaan, si ciidanka booliska Soomaaliya ay u baaraan, doorka uu ku lahaa gabood-falki ka dhacay Wanlaweyn.
Tallaabada uu guddigaan ku xalliyay colaaddii degmada Wanlaweyn ayaa ka danbeysay, kaddib marki uu madaxweynaha Soomaaliya uu ku baaqay in si deg deg ah loo soo af-jaro dagaalka sokeeye ee ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasna ay dowlada dhexe iyo Maamulka Hirshabeelle u direen gudigaan xalinta ityo xaqiiqo raadinta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here