DHAGEYSO:Gobolada dalka Soomaaliya oo looga diyaar garoobayo Maalmaha Xoriyadda

Maalinka Jumcaha ee nagu soo aadan waxaa guud ahaan Soomaaliya u bilaabanaya Maalmo ku weyn umada Soomaaliyeed waana Todobaadka Xoriyada oo ka bilaabanaysa 26-June kuna eg kowda bisha Luulyo.
Caasimada Muqdisho, Gobolada dalka Soomaaliya iyo Magaalooyinka kale duwan ayaa waxaa ka socda ololeyaal lagu qurxinayo sidoo kalena Calanka lagu buufinayo Meelaha ay indhuhu qabanayaan ayadoo sidoo kale Qashinka laga gurayo wadooyinka iyo Xaafadaha sidoo kalena la Rinjiyaynayo goobahaasi.
U diyaar garowga munaasabadaha maalmaha Xorriyadda oo hada 60- jirsatay ayaa Magaalooyinka si weyn looga dareemayo waxaa ka mid ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Maamulka Magaalada Baydhabo,Ururada Magaalada ka howlgala iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaana Bilaabay nadiifinta iyo Qurxinta Magaalada Baydhabo waxayna sheegeen inay sii wadayaa ololahaan ilaa laga gaarao todobaadka Xoriyada oo Maalmo Kooban naga Xigaan hada.

Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ku dhawaaqday inay dhamaan fasaxday Shaqaalaheeda laga bilaabo 27 Bishaan sababo la xiriira xuska 26 June oo ku beegan Xorriyadii Gobolada Waqooyi ee sanadkii 1960-kii.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa la ogeeysiiyay Shaqaalaha Dowladda iyo Hay’adaha gaarka loo leeyahay inay fasax yihiin.
Dowladda Soomaaliya ayaa inta badan waxaay fasaxdaa Shaqaalaheeda kala duwan maalmaha ay jiraan munaasabadaha waa weyn oo ay kamid yihiin Ciida iyo todobaadka Xoriyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here