DHAGEYSO:Golaha wasiirada Soomaaliya oo ayiday go’aamadii xukuumadii xil gaarsiinta

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la isku raacay sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii Wasiirrada Xukuumaddii xil gaarsiinta,oo isugu jiray xeerar , siyaasado iyo heshiisyadii ay galeen kuwaasoo si toos ah dhaqangal u noqday.
Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa lagu meel mariyey ku talagalka Miisaaniyad sanaddeedka Dowladda ee 2021 oo ay qeyb ka yihiin qaraashka doorashada iyo sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii Wasiirrada Xukuumaddii xil gaarsiinta.
Miisaaniyadda guud ee sanadka 2021 ayaa dhan $671.8 million oo u qeybsan saddex qeybood oo kala ah ,Dakhliga Gudaha 260.1 million, Kabka Miisaaniyadda oo noqonaysa 170.9 million iyo mashaariicda oo ah 240.8 million.
Miisaaniyadda ayaa diiradda saareysa fulinta qorshaha qaranka, waxaana loo qoondeeyey dhanka horumarinta qaddar dhan 38 million, lacagtaas ayaa lagu bixin doonaa arrimo dowladdu ay qabanayso.
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Federaalka Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa kulanka kaddib warbahainta la hadlay oo Faahfaahin ka bixiyay go’aamada ka soo baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here