DHAGEYSO:Golaha Wasiirada Soomaaliya oo kulan deg deg ah yeeshay

Kaddib markii Maalin ka hor ay xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya codka Kalsoonida laga laabteen xukuumadii uu hogaaminayay Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Xassan Cali khayr ayaa golaha wasiiradu waxay yeesheen kulankioodii ugu horeeyay oo ahaa mid deg deg ah.
SiihayahaXilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ahaana Ra’isulwasaare ku xigeenkii Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulled ayaa Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada Oo Looga Hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Amniga,sii amba qaadka howlaha Xukuumada iyo Dib-u-furidda Dalka oo dhan kadib markii ay yaraatay Saamaynta Cudurka Covid 19 ee dalka Soomaaliya gaar ahaan Xaaladaha sida Maalilaha ah loo diiwaan galiyo.
Go’aamada laga soo saaray kulanka Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa Waxaa ka mid ahaa in Goluhu sii dardar galiyo howlaha xukuumada inta laga soo dhisayo Xukuumada Xigta maadaam tan ay wayday Kalsoonida Baarlamaanka.
Wasiirka wasaarada warfafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha kulankooda ay uga hadleen.

Golaha wasiirada Xukuumada Fedraalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Waxay isku raaceen ayna Baaq ka soo saareen in dhamaan dowladaha taageera dalka Soomaaliya ay Ixtiraamaan Madaxbanaanida dalka Soomaaliya islamaraakan wixii Talo iyo Taageero ah oo ay siinayaan dowlada Soomaaliyeed ay u soo maraan waddooyinka saxda ah iyo qaababka diplomaasiyadeed ee la adeegsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here