DHAGEYSO:Goob ka mid ah kuwa Maraakiibta lagu Hago oo Muqdisho laga daahfuray

Sii Hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ahaana ku xigeenkii hore ee Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed guuleed ayaa Daah Furay Musawac ama Lihgt Housekii loogu tala Galay in Lagu Hago Maraakiibta Kusoo Hiranaya Dekadda Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Masuuliyiinta wasaaradaha Gaadiidka iyo kaluumaysiga Soomaaliya oo Munaasabada ka hadlay ayaa sheegay inay tahay arrin muhiim ah iyo guul weyn oo la gaaray maadaama baahi weyn loo qabay Musawacaan Xalay Xariga laga Jaray.

Siiyaha Xilka Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Gulleed Qadar ayaa sheegay in Dib u furida Musawacaan ay qayb ka tahay hormarinta Dekedaha Soomaaliya Gaar ahaan tan ugu weyn ee Magaalada Muqdisho oo ilaa burburkii wadanka ay meesha ka bexeen waxyaabo muhiim ah oo ay horay dekaddu u lahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here