DHAGEYSO:Guddiga aqalka sare oo sheegay inuu si caddaalad ah u wajahaya arrinta Waiguru

Guddi ka kooban 11 xubnood oo shalay Aqalka sare ee dalka uu u magacaabay inuu baaritaano ku sameeyo eedeymo loo soo jeediyay barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa ballanqaaday inuu howshan si caddaalad ay ku dheehan tahay u fulin doono.
Tani ayaa timid kaddib markii ay soo baxday hadal hayn siyaasadeed oo ah in go’aanka guddiga faragelin lagu sameyn karo.
Senetarka ismaamulka Kilifi Stewart Madzayo ayaa kenyaanka ugu baaqay inay ka war sugaan oo ayna iska saaraan tuhunka ay qabaan

Anne Waiguru ayaa maalmo ka hor xilka laga xayuubiyay kaddib markii wakiilada golaha hoose ee Kirinyaga ay si aqlabiyad leh ugu codeyeen mooshin laga gudbiyay.
Waxay ku eedeyeen maamul xumo sida musuqmaasuqa iyo inay ku xadgudubtay dastuurka.
Guddiga shalay la magacaabay ayaa laga doonaya inuu 10 cisho gudahood warbixin ugu gudbiyo aqalka sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here