DHAGEYSO:Guddiga loo xilsaaray dhacdadii Xabsiga Dhexe ee Xamar oo baaritaan bilaabay

Sii hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa kulan la qaatay guddiga loo magaacay inay baaris dhammeystiran ku sameeyaan shaqaaqadii maalinkii Isniinta ka dhacday xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidi baaris dhab ah loogu sameyn lahaa dhacdadii ka dhacday Gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Guddoomiyaha Guddiga oo ka kooban lix Xubnood ahna siihayaha xilka Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in kulanka lagu dajiyay jadwalkii lagu Shaqeyn lahaa sidoo kale ay Magacaabeen Guddi farsamo oo arrinta baarista ka Shaqeyn doona.
Waxa uu xusay in Xubnaha Guddiga ay si rasmi ah uga Shaqo bilaabeen arrimaha la xiriira baaritaanka dagaalkii ka dhex dhacay Gudaha xabsiga Dhexe,isla markaana baaritaankooda muddo 10 maalmood Gudahood ah ay kusoo geba-gabeyn doonaan.

Dagaalkii ka dhacay Gudaha xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho ayaa qaatay muddo ka badan Saacad,waxaana Taliska Ciidanka Asluubta ay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid dhex-maray Maxaabiis u xirnaa Al-Shabaabnimo iyo Ciidamada ilaalada Xabsiga,isla markaana dagaalkaas ay ilaa dhowr Ruux.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here