DHAGEYSO:Guddiga qaran ee ka hortaga Covid 19 ee Soomaaliya oo agab caafimaad gaarsiiyay xabsiga dhexe ee Xamar

Wasiirka Warfaafinta Xxukuumada Fedraalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha guddiga wacyi galinta Covid19 oo uu wehliyo wasiir ku xigeenka caafimaadka Soomaaliya ayaa agab looga hortago faafitaanka cudurka corona ku wareejiyay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Agabkaan ayaa loogu talagalay saraakiisha Asluubta iyo maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar si xanuunka xakamayntiisa ay qayb uga noqoto.

Taliyaha ciidanka AsluubtaGen Mahad C/raxmaan Adan ayaa dowlada ka codsaday in Maxaabiista si dhaw looga warqabo maadaama ay u nugul yihiin qatarta cudurka Covid19 oo Soomaaliya dad badan oo qaba lagu arkay sidoo kalena xarun gaar ah oo caafimaad xarunta xabsiga dhexe laga hirgaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Saciid C/laahi ayaa halis weyn ku Tilmaamay in xabsiga dhexe ee Xamar uu soo gaaro Xanuunka CoronaVirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here