DHAGEYSO:Guddiga qaran ee muslimiinta ee qaabilsan la tacaalidda cudurka Covid-19 oo ka hadlay aaska meydka

Guddiga qaran ee muslimiinta ee loo xilsaaray ka falcelinta cudurka Covid-19 ee dalka iyo dunidaba ka jiro ayaa maanta shir jaraaid ku qabtay masjidka Jamia ee magaaladatani Nairobi.
Waxaa guddigan xubno ka ah culimaauddiin, imaamyada masaajidda , wakiillada hay’adaha muslimiinta iyo dhakhaatiirta muslimiinta ah ee dalka.
Guddigan ayaa loo aasaasay inuu Dowladda dhexe gaar ahaan wasaaradda caafimaadka kala shaqeeyo la tacaalidda xanuunka Coronavirus.
Sheekh Maxamad Shariif oo xubin ka ah ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay qodobbada maanta shirka jaraaid uu ku saabsanaa oo ay ka mid tahay sida loo wajahayo arrintan taagan hadii qof muslim ah uu cudurka u dhinto

Sido kale maadaama ay bisha Ramadaan nagu soo fool leedahay , Sheekh Maxamad ayaa Dowladda ka codsaday inay Meesha ka saarto xayiraadda ay dhawaan shaacisay ee la xiriirta cunnooyinka deeqda ah ee la qeybiyo

Sheekh Maxamad Shariif ayaa ugu dambeyn bulshada muslimiinta ah ugu baaqay inay u hoggaansamaan amarrada iyo talooyinka wasaaradda caafimaadka ee lagu xakameynayo faafitaanka cudurka

Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ayaa soo saartay qodobbo dhowr ah oo ku aaddan aaska dadka u dhinto cudurka Covid-19 ee loo yaqaano coronavirus.
Arrimahan ayaa ah kuwo ku saleysan talooyinka hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO iyo hab-raaca habboon ee ku qeexan sharciga caafimaadka dadweynaha farqadiisa 242 ee dastuurka dalka.
Howlwadeenada caafimaadka iyo cid kasta oo qeyb ka ah maareynta howlaha aaska bukaannada u dhintay xanuunka ayaa laga doonaya inay amarradan raacaan.
Waxaa ka mid ah in meydka si sax ah loo aqoonsado , shahaadada dhimashada iyo aaska.
Meydka marka la aasaya waxaa la doonayo in loo sameeyo qaab looga hor tagaya in cudurka la isku gudbiyo sido kalena waafaqsan dhaqanka ama diinta qofka dhintay.
Hadii uu qofku ku dhinto meel isbitaalka ka baxsan waa in lagu soo wargeliyaa saraakiisha caafimaadka.
Hadii baaritaannada hor dhaca ah lagu ogaado in qofka uunan u dhiman coronavirus oo ay geeri iska caadi ah ku timid , sido kalena la aqoonsaday meydka waxaa loo qaadi karaa in la aaso ugu dambeyna uu shahaado bixiyo dhakhtar.
Hadii uu qofka u dhinto cudurka Covid-19 waxaa jiro geedisocod la raacaya .
Howsha aaska meydka waxaa gacanta ku haynaya qof qoyska matalaya , maamulaha deegaanka , sarkaal ka tirsan waaxda faya dhowrka iyo saraakiisha ammaanka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here