DHAGEYSO:Guddiga TSC oo laga dalbaday inuu waqooyi bari dib ugu celiyo macallimiin laga soo wareejiyay

Siyaasiyiinta gobolka waqooyi bari oo ay hor kacayaan barasaabyada ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera ee kala ah Cali Bunow Qorane , Maxamad Cabdi Maxamuud iyo Cali Ibraahim Roba ayaa guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ka dalbaday inuu deegaanada kala duwan ee gobolka dib ugu celiyo ku dhawaad 3000 oo ah macallimiin wax ka dhigayay dugsiyada kuwaasoo la soo wareejiyay kaddib falal amni darro oo dhacay.
Guddoomiyaha Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud ayaa wax laga xumaado oo nasiib darro ah ku tilmaamay in sida uu hadalka u dhigay TSC ay ku kacday takoor ka dhan ah ardayda dalka.
Waxaa uu madaxa fulinta ee guddiga TSC Mrs. Nancy Macharia ka dalbaday inay ka laabato hadal ka soo yeeray oo la qoonsaday.
Aadan Keynaan , xildhibaanka deegaanka Ceeldaas ee Wajeer ayaa dhankiisa xusay inay xiranyihiin dhammaan dugsiyada ku yaallo halka laga soo doortay.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi ayuu ugu baaqay inuu qaado tallaabo degdeg ah oo xal loogu raadinaya xaaladda cakiran ee dhanka tacliinta ee ka jirta gobolka waqooyi bari.
Senetarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa isna carrabka ku dhuftay in hadii macallimiinta laga soo wareejiyay dowlad deegaanada gobolka aan sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu celin loo fasiran karo in Kenya ay gacmaha taagatay oo ay isku dhiibtay Al-Shabaab

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa madaxda waqooyi bari u ballanqaaday inuu qabanqaabin doono shir looga arrinsanayo caqabadda taagan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in kulankaas ay ka soo qeyb galayaan saraakiisha wasaaradda uu hoggaamiyo, midda waxbarashada , guddiga adeegga macallimiinta ee TSC iyo siyaasiyiinta Garissa, Wajeer iyo Mandera .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here