DHAGEYSO:Guddoomiyaah gobolka Banaadir oo xilkii ka qaaday guddoomiyihii degmada yaaqshid

Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa markale digiin adag waxaa uu kasoo saaray dadka xoolaha kusoo dhex daaya wadooyinka Magaalada Muqdisho, kuwaasoo maamulku sheegay inay dhibaato ku yihiin bilicda Caasimadda.
Guddoomiye Cumar Filish wuxuu sheegay in maalin walba ay arkaan wadooyinka Muqdisho oo ay dhex fadhiyaan lo’ farabadan, isla markaana ay wadooyinka ka mari la’ yihiin gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaalaya.
Waxaa uu Bulshada ku nool muqdisho ugu baaqay Gudoomiyuhu in qof walba laga doonayo inuu xoolihiisa meel xafidan Gaysto oo uusan kusoo dhex deyn wadooyinka Magaalada qofkii kusoo daayana Maamulka Gobolka Banadir uu tallaabo ka qaadi doono.
Cumar Filish ayaa shacabka Caasimada ku nool wuxuu sidoo kale ka codsaday inaysan waqooyinka ku soo tuurin shaqinka ayna wadooyinka la dhisayo ka taxadaraan
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa hadalkaan wuxuu ka sheegay xili uu dhagax dhigay dib-udhiska wadada Jaalle Siyaad oo isku xirta degmooyinka Wadajir, Dharkeenley iyo Kaxda.

Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Wada-jir iyo dharkaynleey ee ay marto wadada Jaalle siyaad ee Maanta la dhagax dhigay ayaa Balan qaaday inay Kaalintooda ka soo bixi doonaan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa horay Magaalada Muqdisho uga furay Xarunta baadi qabadka Gobolka oo Xoolaha lagu xareeyo , iyadoo uu jiray howlgal Xoolo farabadan lagu xareeyay oo laga sameeyay wadooyinka MagaaladaMuqdisho, hayeeshee ay weli dhex socdaan Xoolahaasi wadooyinka Muqdisho.
Dhanka kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii degmada Yaaqshiid Muuse Geesey Jimcaale,, iyadoo uu Masuul cusub Xilkaas u magacaabay.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir loogu Magacaabay Maxamed Cabdullaahi Cariif.
Degmada Yaaqshiid ayaa waxaay kamid tahay degmooyinka Gobolka Banaadir ee ugu xilka qaadista badan, waxaana Saddexdii sano & barkii la soo dhaafay soo martay Gudoomiyeyaal farabadan, waxaana isla Maanta xilka la wareegay guddoomiyaha Cusub ee degmada Yaaqshiid.
Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilalkii ka qaaday guddoomiye kuxigeenadii Maamulka Iyo maaliyadda & howlaha Guud ee Gobolka Banaadir isagoo Masuuliyiin kale Xilalkaas u Magacaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here