DHAGEYSO:Guddoomiyaasha xisbiga ODM ee ismaamullada oo kulan yeeshay

Waxaa magaaladatani Nairobi kulan ku yeeshay guddoomiyaasha xisbiga mucaaradka ee ODM ku matalo ismaamullada wadanka.
Guddoomiyaha ODM ee Nairobi George Aladwa ayaa sheegay inay diiradda saareen sida lagu sii joojin karo ololaha ku aaddan arrimaha BBI.
Mr. Aladwa ayaa intaa ku daray inay sido kale caddeeyeen inay dowladda ku taageerayaan la dagaalanka musuqmaasuqa.
Guddoomiyaasha ODM ayaa xusay inay doonayaan in cid kasta oo musuqmaasuqa ku lug lahaato si shakhsi ah loola xisaabtamo.
Sido kale ODM ayaa ku howlan diyaar garow xooggan oo ay ugu jirto qabashada hoggaanka dalka sannadka 2022-ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here