DHAGEYSO:Guddoomiyaha aqalka Sare ee Soomaaliya oo soo dhaweeyay shirkii dhuusamareeb

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa soo dhoweeyay war murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madaxda Maamul goboleedyada Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Cabdi xaashi ayaa waxaa boggaadin loogu diray Madaxda iyo Shacabka Maamulka Galmudug kaalinta mugga leh ee ay ka qaateen qabsoomida shirkaas.
Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb ay u arkaan kuwo horudhac u ah heshiis ay wada gaaraan Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka & Maamul Goboleedyada, isla markaana horseedi kara,nabad, deganaansho iyo horumar dalka Soomaaliya oo dhan.
Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii Madaxda Maamulada Soomaaliya uga socday Magaalada Dhuusamareeb labadii Cisho ee la soo dhaafay,ayaa ka koobnaa Shan qodob oo looga hadlay xaalada siyaasadeed dalka.
Shanta Madaxweyne Goboleed ayaa warmurtiyoodkooda waxaa ugu muhiimsanaa in marnaba aysan dib u dhicin doorashada Soomaaliya oo aysan madaxda dowlada dhexe muddo kororsi sameyn iyo in Madaxda Dowladda Federaalka ay kasoo qeyb galaan wajiga labaad ee shirka si looga tashado arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Wasiirkii hore ee Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar ayaa warbaahinta u aqriyay qodobada ka soo baxay shirkii dhuusamareeb lagu soo gabagabeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here