DHAGEYSO:Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle oo sheegay in aan doorashada dib loo dhigi karin

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamul goboleedka soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa ka hadlay khilaafaadka iyo is qabqabsiga ka taagan doorashada Maamulkaas oo haatan wakhtigeeda la joogo.
Guddoomiye Cusmaan Barre ayaa meesha ka saaray in ay joogsatay shaqadii guddiga doorashada uu magacaabay Madaxweyne Waare, kuwaasi oo shaqadooda billaabay dhawaana soo saaray habraaca doorashada, balse Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu ka soo hor jeestay habraaca ay soo saareen.
Waxaa uu dhanka kale guddiga kula dardaarmay in howsha halkeeda ay ka sii wataan cid kasta oo doonaysana ka qeyb galka doorashada Hirshabeele ay timaado si ay kaga qeyb galaan doorashada, isla markaana waqtigeeda ay ku dhaceyso.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inaysan marnaba suurtagal ahayn in doorashada maamulkaas ay ka dib dhacdo xilligii la qorsheeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here