DHAGEYSO:Guddoomiyaha baarlamaanka oo wakiilada golaha hoose ugu baaqay inay wasiirada ismaamulada la xisaabtamaan

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi ayaa wakiilada laga soo doortay deegaanada hoose ee loo yaqaano Wards ugu baaqay inay si buuxda uga soo baxaan kaalinta kaga aaddan la xisaabtanka mas’uuliyiinta dowladaha ismaamulada ee ay ka tirsanyihiin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in waajibaadka saaran senetarada xubnaha ka ah aqalka sare ay tahay inaan lagu takriifalin lacagaha loo qoondeeyo dowlad deegaanada kala duwan.
Mudanayaasha baarlamaanka ayuu ku ammaanay inay sida habboon ula xisaabtamaan wasiirrada dowladda dhexe.
Waxaa uu sheegay in wakiilada ka tirsan golayaasha hoose ee ismaamulada sidaasi si la mid ah laga doonayo inay la socdaan oo ayna wasiirrada ay soo magacaabeen barasaabyada kula xisaabtamaan waxqabadkooda.
Mr. Muturi ayaa yidhi hadii mudanayaasha ay la xisaabtamayaan oo ayna su’aalo weydiinayaan wasiirro qaran maxaa keenaya inaad ka wareegataan wasiirrada hoose ee loo yaqaano CECs

Dhanka kale qaar ka mid ah xildhibaanada deegaanada hoos tago ismaamulada Meru, Tharaka Nithi iyo Embu ayaa doonaya in guddoomiyaha baarlamaanka Justin Muturi sannadka 2022-ka lagu taageero inuu ku xigeen u noqdo William Ruto oo u hanqal taagaya jagada ugu sarreysa ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here