DHAGEYSO:Guddoomiyaha baarlamaanka soomaaliya oo ka hadlay arrimaha Falastiin

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka soomaaliya Maxamad Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka Jeediyay shirka 30-aad ee looga hadlayay Arrimaha Falastiin.
Waxaa shirka ka qeyb galaya xubno ka socdo midowga baarlamaannada adduunka qeybtiisa carabta.
Kulanka ayaa ka dhacaya magaalada Cammaan ee dalka Jordan waxaana soomaaliya ku matalaya guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka soomaaliya Maxamad Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Xildhibaan Cali Jaamac Jangali oo ka tirsan baarlamaanka soomaaliya kana mid ah wafdiga guddoomiyaha ayaa kaddib markii uu shirka soo dhammaaday waxaa uu warbaahinta u akhriyay war murtiyeedka ay ku xusan yihiin qodobbadii lagu heshiiyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here