DHAGEYSO:Guddoomiyaha Barlamaanka Maamul Goboleedka Puntland oo ka hadlay mowqifka Maamulka ee ku aadan wada-hadallada Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland

Dhanka kale Guddoomiyaha Barlamaanka Maamul Goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ka hadlay mowqifka Maamulka ee ku aadan wada-hadallada Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland uga socda wadanka Jamhuuriyada Jabuuti.
Waxaa uu sheegay inaysan qayb ka ahayn shirkaas,isagoo arin nasiib ah ku tilmaama in Madaxweynaha Soomaaliya uu la shiro waxa uu ku tilmaamay Koox Gooni u goosad ah sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland waxaa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in Bulshada Sool, Sanaag iyo Cayn aysan Aqbali doonin natiijo walba oo ka soo baxda shirkaas oo uu sheegay in dowladda Federaalka ay dano siyaasadeed ka raadineyso sida uu hadalkiisa u dhigay.
Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Barlamaanka maamul Goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil waxaa uu Maanta ka sheegay furitaanka kal-fadhiga 46aad ee Golaha wakiilada Maamulka Puntland.
Wuxuuna sidoo kale ka hadlay arimaha doorashooyinka Soomaaliya isagoo sheegay inay lagama maarmaan tahay in si guud looga wada xaajoodo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here