DHAGEYSO:Guddoomiyaha Busia oo ka soo hor jeestay in shaqooyinka caafimaadka lagu wareejiyo dowladda dhexe

Barasaabka ismaamulka Busia ee galbeedka dalka Mr. Sospeter Ojaamong ayaa sheegay inuunan hoggaamiyaasha qaar ku taagersaneyn soo jeedinta ah in waajibaadka arrimaha caafimaadka laga qaado ismaamullada oo lagu wareejiyo dowladda dhexe.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in dowlad deegaannada ay shaqooyin badan qabtaan sidaas awgeedna hadii isbeddelada lagu talinaya ay dhacaan ay caqabad imaan karto.
Mr. Ojaamoong ayaa hoosta ka xarriiqay inay howlaha caafimaadka la wareegeen iyadoo ay jiraan dhibaatooyin dhowr ah balse xal loo helay.
Waxaa uu dhanka kale xusay inuu sare ku kacay qiimaha lagu iibiyo daawooyinka kala duwan cabsida laga qabo caabuqa coronavirus iyo miisaaniyadda la doonayo in loo qoondeeyo awgeed.
Guddoomiyaha Busia ayaa hoosta ka xarriiqay in daawo ay markii hore qorsheeyeen inay ku soo iibsadaan tusaale 200 oo shilin ay hadda tahay 800.
Shacabka ayuu ugu baaqay inay tagaan isbitaallada si xilli hore looga baaro Coronavirus.
Dhanka kale waxaa uu shaaciyay in dhawaan maamulka uu hoggaamiyo uu lacag dhan 16 milyan oo shilin siin doono saraakiisha ka shaqeeya caafimaadka guud ee deegaannada kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here