SAWIRO:Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab oo xilkiisa la wareegay

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa guddoomiye cusub u Magacaabay degmada Xamar Jajab kaddib markii dhawaan Gudoomiyaha beeshii loo Magacaabay ay diiday xilkaasi.
Dr Maxamed Cabdi Axmed (Xeyle) ayaa loo magacaabay Gudoomiyaha degmada Xamar Jab-Jab ee Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha cusub ayaa isla maanta la wareegay xilka Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) iyo Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Maxamed Cabdulaahi (Tuulax) ayaa ka qeyb galay Munasabad uu xil kula Wareegayay Gudoomiyaha cusub ee Degmada Xamar Jajab Mudane Maxamed Cabdi Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here