DHAGEYSO:Guddoomiyaha cusub ee Dhuusamareeb oo ka hadlay waxyaabaha u qorsheysan

Guddoomiyaha cusub ee caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, Macalin Cabdirixmaan Geeda Qoroow ayaa sheegay inuu xoogga saari doono sidii loo mideeyn lahaa bulshada caasimadda Galmudug ku nool isla markaana loo fahansiin lahaa macnaha dowladnimada.
Geeda Qoroow waxaa kale oo uu xusay in ay jiraan dad badan oo ka cabsi qabo in si gaar ah loo beegsan doono wuxuuna hoosta ka xarriiqay inay rajeynayaan in dadkaas oo dhan la mideeyo.
Isaga oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Star FM ayuu sheegay in la xallin doono haddii ay jiraan beelo tabasho ka qabo magacaabidda maamulka cusub ee uu guddoomiyaha ka yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here