DHAGEYSO:Guddoomiyaha cusub ee golaha hoose ee Nairobi oo Jimcada loo codeynaya

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa lagu wadaa inay maalinka Jimcada doortaan guddoomiye hoggaamin doono kaddib markii ay shalay iscasishay Beatrice Elachi oo xilkaasi haysay.
Sii hayaha xilka karaaniga ee golaha Pauline Akuku ayaa soo saartay qoraal ah in xafiiska guddoomiyaha uu banaan yahay.
Codeynta ayaa billaaban doonto 2-da iyo barka duhurnimo ee 14-ka bishan sideedaad.
Elachi ayaa sheegtay in maalmihii la soo dhaafay ay xarunta golaha hoose ee Nairobi ka jireen shaqaaqooyin iyo dhacdooyin halis gelinaya nolosheeda.
Waxaa hadda guddoomiye ku meel gaar ah John Kamau Kamangu oo horay ku xigeen u ahaa Elachi.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo maanta ka qaybgalay xuska maalinka dhalinyarada adduunka ayaa barasaabka caasimadda dalka Mike Sonko iyo agaasimaha guud ee maamulka loo xilsaaray bixinta adeegyada bulshada Nairobi ee NMS Maxamad Badi ugu baaqay inay xalliyaan khilaafka u dhexeya.
Mr. Kenyatta ayaa Sonko ku booriyay inuu u daneeyo dadweynaha oo uu dhinac isaga dhigo danahiisa siyaasadeed.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in barasaabka Nairobi iyo agaasimaha maamulka NMS laga doonayo inay midnimo muujiyaan si shacabka loogu adeego.

Barasaabka Nairobi Mike Sonko iyo agaasimaha guud ee maamulka NMS Maxamad Badi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay wada shaqeyaan.

Maamulka NMS ayaa horay loogu wareejiyay mas’uuliyadda waaxyo ay ka mid yihiin adeegyada caafimaad, qorsheynta iyo horumarinta , gaadiidka iyo howlaha guud .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here