DHAGEYSO:Guddoomiyaha cusub ee Kiambu oo la dhaariyay

Waxaa maanta si rasmi ah xilka guddoomiyaha ismaamulka Kiambu loogu dhaariyay barasaab ku xigeenkii dowlad deegaankaas ,James Nyoro .
Dhaarinta Nyoro oo timid kaddib xilka qaadis lagu sameeyay Ferdinand Waititu oo uu ku xigeen u ahaa ayaa dhacday abaare 12:46 duhurnimo ee maanta .
Dr. James Nyoro ayaa sheegay inuu si daacad ah ugu adeegayo shacabka Kiambu.

“Anigoo ah James Karanja Nyoro waxaan halkan ka caddeynaya inaan akhriyay oo aan fahmay xeerka u degsan hoggaanka iyo daacadnimada laga doonayo shaqaalaha dowladda ismaamulka Kiambu sidaas awgeedna aan halka kaga dhawaaqaya inay iga go’an tahay inaan xeerkaas ku dhaqmaya xilli kasta.
Waxay dharbaaxo xooggan soo gaartay barasaabka xilka laga qaaday ee ismaamulka Kiambu Mr. Ferdinand Waititu kaddib markii maxkamadda sare ee dalka ay diidday inay hor istaagto dhaarinta James Nyoro.
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kaddib dacwad uu Waititu gudbiyay oo uu kaga soo horjeeday in ku xigeenkiisa uu la wareego jagadii guddoomiyaha Kiambu ee isaga laga xayuubiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here