DHAGEYSO:Guddoomiyaha Gaalkacyo oo ku mahadceliyay dhismaha golaha deegaanka

Maamulka cusub ee degmada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa ka mahad-celiyay dhamaan Qaybaha kale duwan ee ka qayb qaatay dadaalka loo galay dhismaha gole deegaan oo sharci ah oo ay yeelato Magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha Cusub ee degmada Gaalkacyo ayaa sheegay inuu ku dadaalayo ka miran dhalinta howlaha horyaala iyo sidii shacabka loogu adeegi lahaa.
Wasiirka arimaha gudaha maamulka Galmudug iyo ku xigeenkiisa ayaa bogaadiyay shacabka,waxgaradka iyo guud ahaan dadka reer Gaalkacyo maadaama ay ku guulaysteen shaqo adag oo ahayd dhismaha golaha deegaanka degmada Gaalkacyo.

Dhanka kale Madaxweyne kuxigeenka Maamul goboleedka Galmudug Ali Dahir Eid ayaa maanta Magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Galmudug ku soo dhaweeyay wafdi u hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoowey uqaabilsan Arimaha dalka Soomaaliya James Swan oo ay qeyb ka ahaayeen Wafdiga Wakiilada EU ,Midowga Africa Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed.
Wafdigaan oo kulamo kala duwan la yeelan doona Madaxda ugu saraysa Maamulka Galmudug ayaa waxa safarkooda uu daran yahay Arrimaha Doorashoyinka, Amaanka iyo Siyaasada guud ahaan dalka Soomaaliya.
Sido kale waxaa safarkooda qayb ka ah in Caasimada Galmudug ee Dhusamareeb laga hergaliyo Xarun weyn oo ay yeelanayaan UN ka taasoo laga hagi doono howlaha hormarineed ee ay Qaramadiboobay ay ka ka wado guud ahan deegaanada Maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here