DHAGEYSO:Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo awaamiir siiyay guddoomiyeyaasha degmooyinka

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Cumar Maxmuud Maxmad (Cumar filish) ayaa shir Gudoomiyay Kulanka Totobaadlaha ah ee Degmooyinka Gobalka Banaadir.
Shirkan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku-Ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir,Taliyaha qeybta guud ee Gobolka Banaadir, Gudoomiyasha 17-ka degmo ee Caasimaddu ka kooban tahay iyo Masuuliyiin kale.
Todddobaadkaan waxaa Diiradda Lagu saaray Kulanka Masuuliyiinta gobolka Banaadir ee toddobaadlaha ah arrimaha Amniga Nadaafadda iyo Tacadiyada ka dhacay Magaalada oo ay ka mid yihiin kuwa Haweenka loo gaysto sida Kufsiga iyo waxyaabaha la midka ah.
Guddoomiye Filish ayaa Faray Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir Adkeynta Amniga degmooyinka ay ka arimiyaan iyo la socodka dhamaan dhaqdhaqaaqyada ka jira goobahaasi.
Waxaa uu Sidoo kale ugu baaqay inay ka shaqeeyaan Nadaafada Caasimadda iyo soo celinta Bilicdeeda.
Kaddib markii uu kulanka soo gaba gaboobay ayaa waxaa warbaahinta Faahfaahin ka Siiyay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan Wuxuuna sheegay in Kulankaan uu ka duwanaa Kulamadii hore ee toddobaadleyaasha ee Maamulka gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here