DHAGEYSO:Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ololaha wacyigalinta Covid19 Muqdisho ka daahfuray

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filisha) ayaa daahfuray ololaha xoojinta ka hortagga Caabuqa halista ah ee Coronavirus.
Ololahaan oo loogu magacdaray ka foojignow qatarta cudurka halista ah ee Covid 19 ayaa waxaa ka qaybgalay guddoomiye ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo agaasime waaxeedyada qaarkood waxayna dhamaantooda hoosta ka xariiqeen Muhiimada ay leedahay in si aad ah looga taxadarro Cudurkaan Dilaaga ah.
Waxay sidoo kale Masuuliyiinta gobolku faahfaahin ka bixiyeen Cilmi Baaris dhawaan la sameeyay oo cudurka ku saabsanaa iyagoo bixindoona waxyaabaha muhiimka ah ee Cudurka looga hortagayo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Munaasabadda soo gunaanaday wuxuuna sheegay inay dowladda hoose ee Xamar ka go’an tahay kor u qaadida caafimaadka Bulshada iyo la dagaalanka Cudurkaan halista badan si shacabka looga badbaadiyo dhibaatadiisa.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ka hadlay shirkii Dhuusamareeb 3 ee dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya,Madaxda Maamulada Galmudug,Hirshabeelle,Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir ay ku yeeshaan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug wuxuuna Tilmaamay inay si aad ah Tanaasul uga Sameeyeen arimaha Doorshada ayna la soo laabteen wax aan ahayn wixii markii hore ay wateen si dadka iyo dalka loogu daneeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here