DHAGEYSO:Guddoomiyaha golaha suuqgeynta xoolaha dalka oo soo dhaweeyay heshiis ka dhacay Banisa

Guddoomiyaha golaha suuqgeynta xoolaha nool ee dalka kana mid ah waxgaradka ismaamulka Garissa , Dubat Cali Cameey ayaa soo dhaweeyay arrin lagu farxana ku tilmaamay heshiis nabadeed oo dhawaan ay wada gaareen odayaasha beelaha wada dega deegaanka Banisa ee ismaamulka Mandera oo horraantii bishan dagaal beeleedyo ay saameyeen.
Waxaa uu u duceeyay cid walba oo gacan ka gaystay in la wada hadlo si xal loogu helo dirirtii dhacday.

 

Qodobada labada dhinac ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah inaan la kala aargoosan, in dadka halkaasi ka barakacay ay dib u soo laabtaan sido kalena waddooyinka la isku furo oo isku socodka la fududeeyo.
Dhanka kale guddoomiyaha dowlada dhexe u qaabilsan ismaamulka Mandera Onesmus Kyatha ayaa digniin u diray cid kasta oo amni darrada ku lug leh.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo dadka qorsheeya ,maalgeliya ama ku howlan kicinta dagaal beeleedyada.
Waxaa uu digniin gaar ah u diray ganacsatada iyo siyaasiyiinta.
Mas’uulkan ayaa sheegay inay baaritaano ku sameynayaan wada sheekeysi loo adeegsaday taleefoonada gacanta dhawaana eedeysanayaasha la xiri doono .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here