DHAGEYSO:Guddoomiyaha guddiga arrimaha dhulalka oo la magacaabay

Guddoomiyaha cusub ee guddiga qaran ee arrimaha dhulalka (NLC) ayaa loo magacaabay Gerishom Otachi kaddib markii ay dhammaatay muddo xileedkii Dr. Maxamad Swazuri.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa arrinkan shaaca kaga qaaday qoraal uu ku soo bandhigay wargeyska rasmiga ee dowladda.
Mr. Gerishom Otachi ayaa guddiga NLC hoggaamin doono muddo 6 sano ah.
Guddoomiyihii ka horreeyay Otachi, Maxamad Swazuri ayaa lala xariiriyay falal musuqmaasuq oo lagu lunsaday malaayiin shilin.
Mr. Otachi ayaa waxaa uu horay uga mid ahaa koox qareeno ah oo u doodayay eedeysanayaal Kenyaan ah oo ay ku jireen madaxweynaha dalka iyo ku xigeenkiisa xilli ay wajahayeen dacwado la geeyay maxkamadda caalamiga ee dembiyada ee ICC.
Sido kale madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa magacaabay saraakiisha sar sare ee guddiga qaran ee arrimaha dhulalka ee NLC waxayna kala yihiin Esther Murugi, Prof .James Tuitoek, Getrude Nduku Nguku, Reginald Okumu, Samuel Kazungu Kambi, Ms Xubbi Xussein Al-Haji, Mr Alister Murimi Mutugi iyo wakiilkii hore ee haweenka ismaamulka Isiolo Tiya Galgalo .
Dad ay tiradoodu gaareyso 117 qof ayaa soo codsaday xilka guddoomiyaha guddiga NLC ee uu Gerishom Otachi turxaan bixin kaddib ku soo baxay.
Qaar ka mid ah shacabka ismaamulka Isiolo ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan magacaabidda Tiya Galgalo iyo waxyaabaha ay ka rajeynayaan inay mudnaanta koobaad siiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here