DHAGEYSO:Guddoomiyaha Isiolo oo ka hadlay dagaalada ka dhaco xadka ismaamulkaasi uu la wadaago Lagdera

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Isiolo Mr John Ondego oo shalay nagu soo booqday studiyaha idaacadda ee magaaladatan Nairobi ayaa arrimo badan ka hadlay oo ay kamid tahay xiisadda xadka Isiolo iyo deegaanka Lagdeera ee Garissa ka dhex taagan wuxuuna sheegay in qof waliba Kenyaan ah uu xor u yahay inuu dego halka uu doonayo.

Mr Ondego ayaa dhanka kale ka hadlay warbixinta ay soo sarartay maamulka qaran ee la dagaalanka Isticmalka daroogada NACADA taas oo baaritaan ay sameesay ku sheegaty in ardayda wax ka dhigta dugsiyada sare ee gobollada ay halis sare ugu jiraan isticmaalka maandooriyaha.
Mr Ondego ayaa intaasi ku sii daray in ismaamulkiisa dhibaatada ugu weyn ay wajahayo ay tahay madooriya isagoona sheegay in afar qof oo lala xiriirnayo in ay ka ganacsadaan mandooriya la soo qabtay lana soo taagi maxkamad wuxuuna shacabka Isiolo Ka codsay cid alaale oo isticmaaleyso mandooriya ama ka ganacsaneyso in ay si deg deg ah ugu wargeliyaan laamaha ammaanka

 

Mr .Ondego ayaa sidoo kale ka hadlay caabuuq Ebola oo laga soo tabiyay dalka dariska ee Uganda taas oo cabsi weyn ka aburtay shacabka Kenyanyka
Mr Ondego ayaa shacabka Kenya u xaqiijiyay in kiiskii qofki lagu sheegay in uu qabo Caabuqa Ebola ee ismaaulka kericho ay been ahayd wuxuuna sheegay in arrinkaas ay xaliyaan dhaqaatiirta caafimaadka asagoona shacabka u sheegay in aysan ka wal walin

Ugu dambeynti Mr. John Ondego ayaa ka hadalay ammaanka wuxuuna sheegay in qof walba maalkiisa la ilaalinayo laguna xadgubi Karin iyadoona laamaha ammaanka ay si weyn ula tacaalayaan falalka burcadnimada ama dhaca xoolaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here