DHAGEYSO:Guddoomiyaha Isiolo oo sheegay inuu is casilaya hadii boolis uu haween faraxumeeyo

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Isiolo Harman Shambi ayaa sheegay inuusan marnaba u dulqaadan doonin in sarkaal ka tirsan ciidamada booliska uu xadgudub dhanka galmada ah kula kaco haweenka .
Waxaa uu wacad ku maray in hadii ay tani dhacdo uu mas’uuliyadda qaadanaya xafiiskana baneyn doono.
Mr. Shambi ayaa hadalkan jeediyay xilli uu ka jawaabayay eedeyn dusha looga tuuray ciidamada ammaanka oo ah in ay shacabka six ad dhaaf ah ula dhaqmaan.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in booliska ay soo qaateen tababarro ku saleysan inay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan dastuurka dalka.
Mas’uulkan ayaa intaa ku daray inay ka go’an tahay sugidda ammaanka Isiolo iyo in gacanta lagu dhigo hubka sharci darrada ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here