DHAGEYSO:Guddoomiyaha Kirinyaga oo wacad ku martay inay eryi doonto dhakhaatiir shaqo joojin ku guda jiro

Barasaabka dowlad deegaanka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka Mrs. Anne Waiguru ayaa wacad ku martay in laga billaabo maanta ay shaqada ka eryi doonto dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal caafimaad oo shaqo joojin ku guda jiro.
Waxay carrabka ku dhufatay inaan marnaba loo dulqaadan Karin in howlwadeeno caafimaad oo tiro ahaan gaaraya 1000 aynan iska xaadirin goobahooda shaqo iyadoo shacabka ismaamulkaasi ay dantu ku qasabtay inay daryeel caafimaad ka raadsadaan dowlad deegaanada dariska la ah.
Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha ayaa shaqo joojin ku guda jiray muddo 9 maalmood ah waxayna doonayaan in la xalliyo arrimo ay dowladdaasi ka tabanayaan.
Waxay cabasho ka muujinayaan xaaladaha shaqo balse barasaabka ayaa dhankeeda ku doodaysa inay siyaasad wadaan sidaasi awgeedna tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here