DHAGEYSO:Guddoomiyaha Machakos oo ku baaqay in shacabka aynan 6 bilood bixin qarashaadka korontada

Barasaabka ismaamulka Machakos Dr. Alfred Mutua ayaa shirkadda korontada ee dalka ee KPLC u soo jeediyay in maadaama wadanka uu cudur ka jiro oo ay saameyn dhaqaale ka dhalatay la doonayo in Kenyaanka laga fududeeyo culeyska soo foodsaaray.
Waxaa uu xusay in shirkadda looga baahan yahay in muddo 6 bilood ah aynan dadweynaha ka qaadin qarashaadka la xiriira isticmaalka adeegga korontada.
Baaq kani la mid ah ayuu Dr. Alfred Mutua u soo jeediyay shirkadaha bixiya adeegyada biyaha.
Dr. Alfred Mutua ayaa sido kale ku baaqay in shirkadaha iyo shakhsiyaadka loo shaqeeyo aynan shaqada ka joojin howlwadeenada.
Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayuu barasaabka Machakos u soo jeediyay inay Meesha ka saarto canshuurta laga qaado noocyada shidaalka si shacabka ay u keydsadaan lacago ku filan oo ay ku iibsan karaan waxyaabaha daruuriga ah.

Baaqa guddoomiyaha Machakos ayaa ku soo aadaya iyadoo warbixin ay horay u soo saartay waaxda qaran ee keydisa macluumaadka iyo tirooyinka lagu sheegay in 4 milyan oo dhallinyaro Kenyaan ah ay shaqo la’aan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here