DHAGEYSO:Guddoomiyaha Mandera oo sheegay in amniga ismaamulkaasi si weyn loo adkeyn doono

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Mandera, Onesmus Kyatha ayaa shacabka halkaasi ku nool u xaqiijiyay in si weyn loo sugayo badqabkooda gaar ahaan toddobaadka uu socdo tirakoobka qaran ee dhawaan guud ahaan wadanka ka billaabanaya.
Mr. Onesmus ayaa carrabka ku adkeeyay in la qaadayo tallaabo kasta oo looga hor tagi karo fal waliba oo khalkhal gelin karo howshan.
Waxaa uu intaasi ku daray in ciidamada dalka qeybahooda kala duwan la geeyay degaanaada Carabiya, Fino, Lafey, Jabi, Alung’o, Dabba-city iyo Kotulo.
Amniga ayuu sheegay in si weyn loo sugay kaddib markii sida uu hadalka u dhigeen ay heleen warbixin sirdoon ah oo ku aaddan in xarakada Al-Shabaab ay ku hanjabtay inay weerar gaysan doonto.
Dadweynaha ayuu ku booriyay inay tirakoobka qaran si buuxda uga qeyb qaataan saraakiisha barnaamijkan wadana ay si dhow ula shaqeyaan.
Qaar ka mid ah shacabka ismaamulka Mandera oo dareenkooda la wadaagay idaacadda Star FM ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay tirakoobka qaran iyo wacyigelinta ku aaddan ee ilaa iyo hadda loo sameeyay

Dhanka kale Xuseen waytaan Maxamad Cabdiraxmaan oo ka mid ah siyaasiyiinta ismaamulka Mandera ayaa bulshada dowlad deegaankaasi ugubaaqay inay tirakoobka ka qayb qaataan si dhammaantood loo xisaabiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here