DHAGEYSO:Guddoomiyaha Mandera oo taageeray warbixinta BBI

Barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba oo maanta hadal kooban ka jeediyay xarunta Bomas ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in heshiiskii dhexmaray madaxweyne Uhuru iyo Raila Odinga 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii 2018-kii uu wadanka xasilooni u horseeday.
Cali Roba ayaa tusaale u soo qaatay qaabkii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta loo soo dhaweeyay iyo farxadii ay dadweynaha muujinayaan xilli uu dhawaan tagay ismaamulka Kisumu ee gobolka Nyanza.
Barasaabka Mandera ayaa sheegay in faa’iidada ugu weyn ee ay xoolo dhaqatada ka heleen dastuurka wadanka u degsan ay tahay nidaamka dowlad wadaajinta.
Waxaa uu arrin loo riyaaqo ku sheegay in hadda dhaqaalaha ay dowladda dhexe siiso ismaamullada laga dhigaya boqolkiiba 35 tani oo uu xusay inay xal u noqonayso gacan bidixeynta ay xoolo dhaqatada sanado badan ka cabanayeen.
Cali Roba ayaa sheegay in 7 sano ka hor ay adkeyd in la helo xita baabuur loo adeegsado ololaha doorashada balse horumarka la gaaray awgeed hadda uu Mandera ka jiri ciriiri dhanka gaadiidka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here