DHAGEYSO:Guddoomiyaha Murang’a oo cambaareeyay rabshado shalay dhacay

Barasaabka ismaamulka Murang’a Mwangi wa Iria ayaa cambaareeyay dhibaatooyinkii shalay la gaystay ee ay ka dhasheen khasaaro nafeed iyo mid hantiyeed.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inaynan marnaba diyaar u ahayn in arrimo siyaasadeed awgood gudaha ismaamulkaas looga sameeyo falal amni darro.
Guddoomiyaha ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan siyaasiyiinta aan laga soo dooran deegaanada ismaamulkaas ee doonaya inay qabtaan isku soo baxyada hasa ahaate uu qudhiisa xiriirin doono munaasabadaha si loo xakameeyo cidii dhib horseedaysa
Sido kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay maxkamadda geynayaan dacwad ku aaddan khasaaraha hantiyeed ee soo gaaray ganacsatada suuqa Kenol .
Ganacsatada ayuu ugu baaqay inay diiwaangeliyaan qiimaha hantida laga dhacay ama la burburiyay si hadii kiiska maxkamadda lagu guulaysto magdhow loogu sameeyo.

Dhanka kale qaar ka mid ah shacabka Murang’a ayaa ka hadlay amar ka soo baxay abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai oo lagu soo xirayo labo xildhibaan waxayna dalbadeen in lala xisaabtamo dhammaan siyaasiyiintii shalay ku sugnaa ismaamulkaas oo uu ka mid yahay ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here