DHAGEYSO:Guddoomiyaha Nairobi oo ku baaqay in la xoojiyo la dagaalanka musuqmaasuqa

Barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay sii xoojiso dagaalka ay kula jirto falalka lagu lunsado kheyraadka dadweynaha.
Mr. Sonko ayaa xusay inuunan ka hadli doonin eedeymo loo soo jeediyay ilaa iyo inta laga soo gabagabeynayo baaritaano isaga ka dhan ah oo socdo.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii hoggaamiyaha caasimadda dalka uu muddo saacado ah ku sugnaa xarunta dhexe ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayay kaddib markii wax isdaba marin lagu eedeyay.

 

Dhanka kale iyadoo weli deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi uu ka socdo ololaha loogu jiro doorashada ku celiska ee la qabanayo 7-da bisha koow iyo tobnaad ee sannadkan ayaa baaq loo diray xisbiga Jubilee.
Mudanaha laga soo doortay deegaanka Sirisia ee ismaamulka Bungoma John Waluke ayaa doonaya in guddiga Jubilee u qaabilsan habdhaqanka uu tallaabo ka qaado xildhibaanka baarlamaanka sida magacaabidda ku galay Mr. Maina Kamanda maadaama uu taageero u muujiyay musharax ka tirsan xisbi kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here