DHAGEYSO:Guddoomiyaha NAMLEF ee Garissa oo ka hadlay Tirakoobka qaran

Guddoomiyaha dalladda hoggaamiyaasha muslimiinta ee NAMLEF laanteeda Garissa Sheekh Xassan Cabdullahi Cameey ayaa bulshada ku nool gobolka waqooyi bari ku booriyay inay si weyn ugu soo baxaan oo ay ka qeyb qaataan tirakoobkan qaran ee dalka ka dhacaya.

Waxaa uu dhanka kale u mahadceliyay dhammaan dadkii ka qeyb qaatay tageeridda canug yar oo uu dhalay oo ka xanuusan isagoo dadweynaha ku wargeliyay munaasabado lacag arruurin ah oo lagu kala qaban doono magaalooyinka Nairobi iyo Garissa .

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kamukunji ee magaaladatani Nairobi Yuusuf Xassan Cabdi ayaa isna faahfaahin ka bixiyay muhiimadda uu geedisocodkan leeyahay isagoo dadweynaha ku baraarujiyay inay si weyn ugu soo baxaan.

Maxamad Ismaaciil oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ee xaafadda islii ayaa shacabka ka codsaday inay soo dhaweyaan saraakiisha guriyaha ugu tagaya maadaama diyaar garowgii ugu dambeeyay loogu jiro tirakoobka qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here