DHAGEYSO:Guddoomiyaha NAMLEF ee Garissa oo ku baaqay in masaajidda quraan laga siidaayo

Sheekh Xassan Cabdullahi Cameey oo ah guddoomiyaha dalladda hoggaamiyaasha muslimiinta ee NAMLEF laanteeda Garissa oo la soo xiriiray idaacadda Star FM ayaa ku baaqay in masaajidda maadaama ay xiran yihiin oo aan lagu tukaneyn quraan iyo muxaadarooyin diini si joogto ah maalinkii looga siidaayo.
Bulshada ayuu sheekha mar kale xasuusiyay inay sii wadaan Alle bariga si looga dulqaado culeyska uu la yimid cudurka Covid-19 ee loo yaqaano Coronavirus.

Dhanka kale guddoomiyaha dalladda NAMLEF ee Garissa ayaa soo jeediyay in wax laga qabto nadaafadda magaalooyinka gobolka waqooyi bari si looga hor tago khatar caafimaad maadaama roobabka ay hadda curanayaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here