DHAGEYSO:Guddoomiyaha NAMLEF ee Garissa oo muslimiinta ugu baaqay inay Alle bari sameeyaan

Sheekh Xassan Cabdullahi Cameey oo ah guddoomiyaha dalladda hoggaamiyaasha muslimiinta ee NAMLEF laanteeda Garissa ayaa bulshada ugu baaqay inay Alle bari sameyso sido kalena weydiisato inuu dembiyadooda u dhaafo.
Waxaa uu xusay in kastoo masaajidda la xiray haddana muslimiinta laga doonayo inay in badan Alle ka baryaan inuu dalka iyo guud ahaan caalamka ka dulqaado dhibaatada taagan ee cudurka Covid-19
Sheekh Xassan ayaa hoosta ka xarriiqay iyadoo Dowladda dhexe iyo ismaamullada ay dadaalo wadaan haddana in la duceysto aan laga maarmin

Maalmo ka hor ayay ahayd markii dalka lagu qabtay munaasabad qaran oo loogu duceeynayay taasoo uu ku baaqay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here