DHAGEYSO:Guddoomiyaha Shabeellada Hoose oo dhalinyaro tababar u soo xiray

Guddomiyaha gobolka Shabellaha hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa soo xiray tabbabar lagu tayeenayay aqoonta dhalinyaradda ku nool Magaaladda Marka ee Xarunta Gobolka shabeellada Hoose.
Tababarkaan ayaa looga gool lahaa in lagu Xoojiyo awoodda dhalinyarada gobolka Shabeelada Hoose sidoo kale waxaa loo samaynayay dhiirogelin waxaana soo agaasimay Maamulka gobolka shabeelada Hoose oo kaashanaya Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddoomiye Najax ayaa ka codsaday dhalinyaradii uu Tababarka u Soo xiray inay la shaqeeyaan hay’adaha amaanka wuxuuna sidoo kale u balan qaaday in tababar kale oo noocaan ah loo qaban doono muddooyinka Soo socda Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xassan Maxamad Lafta Gareen oo dhawaan booqasho ku imaan doono Magaalada Marka.

Guddoomiyaha degmada Marka ahna duqa Magaaladaasi Cabdoy Cali Waafow ayaa dhalinyarada ku bogaadiyay inay Casharada ay barteen ku Celiyaan saaxiibada kale ee aan fursadaan joogin isagoo codsaday inay Magaalada marka lagu soo celiyo siminaaro kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here