DHAGEYSO:Guddoomiyaha SUPKEM ee Waqooyi bari oo soo dhaweeyay mooshin Wajeer laga ansaxiyay

Guddoomiyaha golaha sare ee muslimiinta dalka ee SUPKEM laantiisa gobolka Waqooyi Bari Dr. Aadan Yuunis ayaa soo dhaweeyay mooshin dhawaan ay ansaxiyeen wakiilada golaha hoose ee ismaamulka Wajeer.
Wakiilada ayaa sheegay inaan marnaba la oggoleyn in gudaha dowlad deegaankaasi lagu arko falalka ay haweenka qaar jirkooda uga ganacsadaan.
Mooshinkan la meelmariyay ayaa waxaa wakiilada hor keenay siyaasiga laga soo doortay deegaanka hoose ee Danaba Cali Nuur wuxuuna meesha ka saaraya leesimada xarumaha ganacsigan lagu sameeyo ee ku yaalla magaalada Wajeer.
Guddoomiyaha ayaa dowladda ka codsaday inay wakiilada garab ku siiso dhaqangelinta sharcigaasi.
Arrintan ayaa timid kaddib markii walaac laga muujiyay haween halkaasi ku sugan oo waxyaabahan ku howlan oo ayna soo baxday cabsi ah inay saameyn ku yeelato bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here