DHAGEYSO:Guddoomiyaha suuqgeynta xoolaha dalka oo baaq u diray dowladda

Guddoomiyaha guddiga suuqgeynta xoolaha nool ee la dhaqdo ee dalka sido kalena ka mid ah waxgaradka ismaamulka Garissa Dubat Cali Cameey ayaa ka hadlay xoolaha daaqa loo geeyay dowlad deegaanada Kitui iyo Tana River oo la sheegay in dib loogu soo celinayo ismaamulka Garissa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inaan loo baahneyn sida uu hadalka u dhigay in soomaalida xoola dhaqatada ah la bartilmaameedsado isagoo dhanka kale ku baaqay in la isku dulqaato maadama lagu jiro xilli adag oo ay abaarta saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada labaduba.

 

Dubad Cali Cameey oo tusaale u soo qaatay khilaafka dibloomaasiyadeed ee ka dhexeya Kenya iyo soomaaliya iyo dhibaatooyin horay uga dhacay gobolka waqooyi bari ayaa sido kale sheegay in bulshada soomaalida ee ku nool wadanka ay ka mid tahay qowmiyadaha la doonayo inay ka faaiidaystaan kulankii dhexmaray madaxweyne Uhuru iyo Raila Odinga ee lagu xoojinayay midnimada iyo wadajirka.

 

Dhammaadkii bishii hore ee sannadkan ayay ahayd markii hoggaamiyaasha siyaasadeed ee laga soo doortay ismaamulada dariska ah sida Garissa, Tana River iyo Kitui ay kulan la qaateen saraakiisha ammaanka oo uu hoggaaminayay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i.
Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa iskudhacyada soo noqnoqdo xilliyada abaarta.
Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa kulankaasi kaddib sheegay in la isla meel dhigay sidii loo soo saari lahaa tallaabooyin la iska kaashanaya oo lagu maareynayo saameynta abaarta.
Tallaabooyinkan ayaa laga dhaqangelin doonaa dowlad deegaanada kala ah Garissa, Tana River iyo Kitui .
Wasaaradda ariimaha gudaha ee dalka ayaa ballanqaaday in ciidamo ay si joogto ah uga howlgeli doonaan deegaanada xiga dhanka xuduudda ee ay inta badan iskudhacyadu saameyaan.
Waxaa kulankaasi ka qeyb galay barasaabka Garissa Cali Bunow Qorane, dhigiisa Tana River Dadho Godana, hoggaamiyaha Kitui Charity Ngilu, madaxa aqlabiyadda baarlamaanka Aadan Barre Ducaale , abaanduulaha booliska Hillary Mutyambai, madaxa waaxda dambi baarista Mr.George Kinoti, xoghayaha waaxda amniga gudaha Mr. Moffat Kangi ,iskuduwaha gobolka bariga dalka Mr. Isaiah Nakoru iyo xildhibaano dhowr ah.
Guddoomiyaha ismaamulka Kitui Mrs. Charity Ngilu ayaa dhankeeda sheegtay in sido kale lagu heshiiyay in 6 bilood kaddib la yeesho kulan kale oo qiimeyn iyo dib u eegis ah.
Waxay intaasi ku dartay in dowladda dhexe laga doonayo inay ceelal qoddo si ay dadweynaha biyo uga helaan, cunno la qeybinayo , xoolo dhaqatada geela oo deegaanadooda dib loogu celinayo iyo in la sameyo howlgalo ka dhan ah kooxaha gaysta falal dambiyeedyada iyo rabshadaha.
Sido kale Charity Ngilu ayaa sheegtay in cid waliba oo si sharci darro ah ku gashay meelaha loo dalxiisa tago ee lagu xannaaneeyo duurjoogta dalka ay halkaasi sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxeyso iyadoo aan la eegeynin ismaamulka ay dadkaasi ka soo jeedaan.
Mrs. Ngilu ayaa hoosta ka xariiqday in lagu heshiiyay sidii loo soo saari lahaa dadka ku sugan xuduudda iyadoo halkaasi la marinayo khad aynan cidna gudbi Karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here