DHAGEYSO:Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ka hadlay Xiisadda Diblamaasiyeed ee soo kala dhexgashay Somalia iyo Somaliland.

81

Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa shir jaraaid oo uu qabtay waxaa uu kaga hadlay dareenkiisa ku aaddan xiisadda siyaasadeed ee dhawaan soo kala dhex gashay Soomaaliya iyo Soomaaliland kaddib markii wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu gaaray dalka Guinea halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.
Dowladda soomaaliya oo taasi ka falcelinaysa ayaa xariirka u jartay dowladda Guinea oo ay ku eedeysay inay wax u dhintay qaranimadeeda.
Faysal Cali waraabe ayaa eedeyn u jeediyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta soomaaliyeed isagoo ku taliyay inaan la sii wadin wada hadaladii ka dhexeyay soomaaliya iyo soomaaliland.
Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan dhab ka aheyn wadahadallada ay kula jirto Somaliland waxaana uu maamulkiisa ka codsay inay soo saaraan qoraal lagu joojinayo Arrimahaas,markii uu soo laabto Madaxweynaha Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay diblamaasiyiinta ku sugan magaalada Muqdisho u sheegtay, in aysan aqbali doonin in maamulada ka jira dalka loola dhaqmo sida dowlad oo kale.
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa hadalkaan ka sheegay kulan la qaatay dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya iyo kuwa dalalkooda wakiilada uga ah arrimaha Soomaaliya.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in dowladda iyo dadka soomaaliya ay hal yihiin sidaasi awgeedna soomaaliland aynan ahayn dal ka madax bannaan oo sidaasi caalamka looga aqoonsanyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here