DHAGEYSO:Guddoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo ku baaqay in loo gurmada shacabka degmada Bacaadweyn

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawada ayaa baaq ka soo saaray degmada Bacaad weyn ee gobolka Mudug oo daadad halkaas ku rogmay ay Saamayn ka dhalatay.
Kaddib markii roobab xoogan oo halkaas ka da’ay ay daadad fara badan ka dhasheyn ayaa waxaa magaalada Bacaadweyne ku dhintay labo qof sidoo kalena waxaa ku barakacay qoysas badan oo halkaas ku noolaa ayadoo biyuhu qaadeen goobo ganacsi iyo guryo la daganaa.
Ku xigeenka labaad ee golaha shacabiga Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa dowlada dhexe ee Soomaaliya,Maamulka Galmudug,Hay’adaha iyo dhamaan cidkasta oo caawin karta shacabka halkaas ku nool ugu baaqay inay si deg deg ah ugu gurmadaan magaalada Bacaadweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here