DHAGEYSO:Guddoomiye ku xigeenka Mandera oo ka hadlay faaiidada warbixinta BBI iyo waxbarashada gobolka

Ku xigeenka barasaabka ismaamulka Mandera Maxamad Axmed Caraay oo maanta wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Star ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin warbixinta dib u heshisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI, heerka waxbarasho ee liita ee ka jira gobolka Waqooyi Bari iyo arrimaha amniga.
Mr. Caraay ayaa ugu horreyn ka war bixiyay qodobadii ay shalay soo bandhigeen mas’uuliyiinta gobolka kaddib kulan lagu qabtay ismaamulka Garissa.

Mar uu ka hadlayay arrimaha waxbarashada ayaa waxaa uu carrabka ku dhuftay in siyaasiyinta dowlad deegaanka Mandera ay shireen isla markaana ay arrimo dhowr ah ula tagayaan madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kewnyatta si wax looga qabto macallin la’aanta ka jirta gobolka.

Mas’uulkan ayaa sido kale hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe ay tahay inay wax ka qabato amniga.
Waxaa uu xusay in qof kasta oo muwaadin ah uu xaq u leeyahay in dowladda ay xaqiijiso badqabkiisa.

Mr. Maxamed Axmed Caraay , ku xigeenka barasaabka Mandera ayaa ugu dambeyn waxaa uu sheegay in suuqa Bus-Park ee ku yaalla bartamaha magaalada Mandera la dhisayo sidaas awgeedna ganacsatada laga doonayo inay sugaan inta laga dhameystiraya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here