DHAGEYSO:Guddoomiye xaafadeed caan ku ahaa Twittarka oo dhawaan geeriyooday oo maanta la aasaya

Waxaa maanta ismaamulka Nakuru lagu aasayaa guddoomiye xaafadeed lagu magacaabi jiray Kariuki oo maalmo ka hor geeriyooday.
Mas’uulkan ayaa caan ku ahaa adeegsiga baraha bulshada gaar ahaan twittarka .
Waxaa uu bartan u adeegsan jiray inuu shacabka ugu soo gudbiyo macluumaadka ku saabsan amniga iyo in sidoo kale ay kula wadagaan xogta ay hayaan si looga hor tago falalka amni darrada.
Dadaalka uu sameyay tan iyo sannadkii 2011-kii ayaa sabab u noqday in laga aqoonsado gudaha dalka iyo caalamka.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Nakuru Erastus Mbui Mwenda ayaa ka warbixinaya sida uu waajibaadkiisa u gudan jiray mas’uulka maanta la aasaya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here